13 arrimood oo ay tahay inay ka fikiraan dadka reer Muqdisho marka ay wajahayaan xaaladda taagan

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2021 – Kahor inta aynaan qayb ka noqon dagaal ka lagu baaqayo waxaa inala gudboon in aan is weydiinno dhowrkaan su’aal? Haddaad kamidtahay shacabka reer Muqdisho:

1. Maxaa la isku hayaa? Ma qabiil mise siyaasad iyo kursi?

2. Dadkaan ina leh iska kiciya Farmaajo, shalay marka ay dooranayeen ma nagala tashteen? Why ay maanta noo leeyihiin aan tashanno?

3. Dhibka aan ku qabno joogista Farmaajo maxey tahay?

4. Faa’iidada aan ku qabno kuwa ina leh iska kiciya marka ay hogaanka qabtaan muxuu yahay?

5. Shalay (4-tii sano ee hore) waa ay joogeene ma aragtay iyaga oo ku dhahaayo war kaalaya reer Muqdisho ayaad tahay oo Soomaalida kale waad ka xaq leedahaye waxaan iyo waxaan hoo?

6. Haddii ay diidan yihiin kaliya Farmaajo may siyaasad iyo aragti kula diriraan maxaa keenay hub aruursi iyo in ay ciidanki kala qeybiyaan?

7. Xusuustaada dib u celi dadki caanka ahaay ee dagaaladi 1991 dagaalamay maku faa’iideen dhiigoodi mise dad kale oo aan dagaal gelin ayaa ka macaashay?

8. Haddii uu dagaal dhaco Yaa ku dhimanayo, ma wiilka miskiin ka ah mise ninka damaca siyaasigu ku jiro?

9. Dib u fiiri carruurtiisa, waalidkiis iyo walaalihiisba xagey ku nool yihiin?

10. Mabda’a ama caqiidada aad ku dagaallameyso maxay tahay?

11. Haddii aad ka dhimato carrurtaada iyo ehelkaaga yaa u maqan?

12. Haddii aad dhimato ma Ahlu Janno baad tahay mise Ahlu Naar? (Aduun iyo Aakhiro kala badane)

13. Ugu dambeyn xitaa haddaad ka fursan weydo kala dooro Qaranka iyo Qabiilka?

Waxaan kusoo gunaanadaa Bikulli Ixtiraam Muqdisho haddii Aadan wax u tari Karin, wax ha u dhimin.

Diyaariye: Liibaan Lamaane

Hadalsame Media