”Sidan Ruushka uga heli maysaan taangiyo & dayuurado!” – Khaladkii DF oo caalamka gaarey

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2021 – Wasiiru Dowlaha Dibedda ee DF Somalia, Balaal Cusmaan, ayaa maanta wuxuu Muqdisho ku qaabiley Danjiraha Ruushka ee Somalia iyo Jabuuti, Michail Golovanov.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal, waloow iminka ku dhowaad aanu jirinba xiriir micne leh oo la xoojiyo.

Yeelkeede, ceebta ugu darani waa in Danjiraha la hor dhigay calanka dalka Holland oo ay DF ku khaladday midka Xiriirka ama Federayshanka Ruushanka, waxaana arrintaasi gaartey dadka Dutch-ka ah, waloow aynaan weli helin fal-celinta Ruushka.

Thomas Van Linge oo ah weriye Dutch ah oo aad wax uga qora arrimaha Afrika ayaa ashqaraar arrintan ka muujiyey, isagoo woxoogaa kaftan ah kusoo xarriiqay bartiisa Twitter.

”Qish ku socda Dowladda Soomaalida: Haddii aad doonayso inaad Ruushka la saaxiibto saar calanka Ruushka,” ayuu warkiisa ku bilaabay.

”Ka nin Dutch ah ahaan dabcan waa ka jeclahay muuqaalkan, balse ku heli maysaan taangiyada iyo dayuuradaha aad doonaysaa, amaba waad ku helaysaan, balse ma aha sidii aad rajaynayseen.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media