Guddoonka Gobolka oo xarigga ka jaray Wershad laamiga shubta, xafiisyo & hoolal cusub oo ay leedahay Degmada Dayniile + Sawirro

0

(Muqdisho) 12 Maarso 2021 – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray hool weyn iyo xafiisyo cusub oo lagu soo kordhiyay Maamulka Degmada Dayniile.

Xafiisyadan cusub ayaa sidoo kale isla maanta marti geliyey Shirka Todobaadlaha ah ee Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayey Gudoomiye Cumar Filish.

Intii uu Degmada joogey, wuxuu Guddoonka Gobolka Banaadir sidoo kale xarigga ka jaray wershad laamiga soo saarta oo laga hirgeliyey gudaha Degmada Dayniile.

Guddoonka Degmada Dayniile, Jacfar Abuukar ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlaha mug-dhiska ah ee Degmada Dayniile, isagoo ka hadlay jidad laamiyaal ah oo Degmada ku xiraya labada gobol ee Shabeellooyinka oo haatan socda.

Hadalsame Media