”Somalia waxay u baahan tahay qof u dhisa DOWLADNIMO isaga ka wayn oo gadaashii loo aayo, may mid qof ku jimaysan”

0

(Hadalsame) 09 Maarso 2021 – Waxaa jira waxyaalo uusan madaxweyne keligii samayn karin isaga oo aan taageero ka helin siyaasiyiinta kale, oo ay caqabad ku noqon karaan.

Laakiin cidna kama hor taagna in uu warbaahinta qaranka ka dhigo dhexdhexaad, in uu ciidanka ka dhex saaro siyaasadda, in uu bilayska ka dhigo kuwo hawlmaalmeedkooda u madaxbannaan, in uu sirdoonka ka dhex saaro arrimaha siyaasadda, in uu garsoorka iyo guddiga doorashooyinka ka dhigo kuwo madaxbannaan.
Madaxweyne kasta oo aan intaa oggolayn wuxuu rabaa kelitalisnimo waana in la iska ilaaliyo. Waa arrimo aan ku halbeegto in horumarka afka laga sheegayaa uurka jiro iyo in kale.

Ninkii dhisaya dawladnimo isaga ka weyn oo gadaashii loo aayo, ayaa taageero iyo ammaan mudan.

Waxaa Qoray: Muxamad Yuusuf

Hadalsame Media