Dal Muslim ah oo ganacsatada ku amray in ay bisha Ramadaan qiime dhimis ku sameeyaan quutul daruuriga (Boqolleey badan)

0

(Abuu Dabeey) 05 Maarso 2021 – Makhsinnada iyo Dukaamada raashinka ee dalka Imaaraadka ayaa ballan qaaday inay dadka u samayn doonaan qiime dhimis u dhaxaysa 25-75% oo ka samayn doonaan ilaa 30,000 oo cunto oo ay iibiyaan.

Waxaa waxyaabaha qiimohooda hoos loo dhigayo xilliyada Ramadaanka ka mid ah Bariiska, hilibka, sonkorta, khudaarta iwm, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraad ee WAM.

Wasaaradda Dhaqaalaha Imaaraadka ayaa iyaduna sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto howlo kormeer ah oo gaaraya ilaa 420 jeer si ay hubaal uga dhigto in la hirgelinayo tillaabadan.

Wasaaradda ayaa ganacsatada uga digtey inay qiimaha quutul duruuriga ka kordhiyaan inta lagu heshiiyey, sida uu sheegay Marwan Al-Sboosi, Maareeyaha Wakaaladda Tartanka iyo Ilaalinta danaha Macaamiisha, oo ah hay’ad hoos tagta Wasaaradda.

Saraakiisha DF ayaa sidoo kale la kulmay ganacsatada suuqyada cuntada iyo khudaarta ee caasimadda Abuu Dabeey iyo magaalada Dubai si loo hubiyo in raashin rakhiis ah la helo bisha Ramadaan.

Magaalada Dubai ayaa maalintii soo degsata khudaar dhan 17,000 oo tan, hala ay caasimadda Abuu Dabeey soo degsato 5,000 oo tan, guud ahaan marka la isu geeyo 7-da Imaaraadoodna waa 130,000 oo tan.

Somalia ayaa taa bidaalkeeda ay ganacsatadu dadka ku dhibaan sicirka quutul daruuriga xilliyada Ramadaanka, waloow sanadihii dambe arrintaa wax iska bedeleen.

Hadalsame Media