”Waxaad ku mudanaysaa xabsi ama ganaax lacageed” – Arrin looga digey dadka u safra Imaaraadka Carbeed

0

(Abuu Dabeey) 04 Maarso 2021 – Dadka u duulaya Imaaraadka Carabta ayaa lagula talinayaa inaysan soo qaadin boorso ay leeyihiin dad aysan aqoonin ama aysan ogayn waxa gudeheeda ku cabbaysan, maadaama ay dembi ku geli karaan.

Hay’adda Federaalka ugu qaybsan Kastamada (FCA) ayaa xitaa saaxiibbada kula talinaysa inaysan boorsooyin u qaadin saaxiibbada ay ku kalsoon yihiin haddii aanay iska xaqiijin waxa gudeheeda ku jira.

Waxaa talooyinkan lagaga dhawaaqay xog-siin cusub oo kasoo baxday dhanka FCA oo ku fooggan musaafurka doonaya inay tagaan Imaaraadka ama sii maraan.

Waxaa sidoo kale aad looga digey dadka inay waxyaabo koontarobaan ah lasoo maraan ama lasoo galaan dalkaasi, taasoo qofka u horseedi karta ganaax lacageed ama xabsi ama labada ciqaabood oo wada jira, sida ay sheegtay FCA.

Hadalsame Media