”Somalia waa ogayd waana naga qarisay in nala soo weerari rabo!” – Kenya oo Somalia ku eedaysay inay ogayd weerarkii Ceel Cadde

0

(Nairobi) 31 Maarso 2021 – Hay’adaha amaanka Somalia ayaa xogta ku saabsan in ay Shabaabku weerar kusoo qaadi rabaan Ceel Cadde ka qariyey KDF oo halkaa looga laayey askar badan qaarna looga qabsaday, sida uu qorayo Nation.

Weerarkan oo ay Shabaabku u adeegsadeen laba gaari oo sida qaraxyo cufkoodu dhamaa 30-50 kg ayaa dhacay Jannaayo 15, 2016, waxayna xogo haatan soo baxayaa sheegayaan in hufnaan la’aanta hannaanka isgaarsiineed ee AMISOM uu keenay inay KDF gurmad ka dalban waydo saldhigga AMISOM ee ugu dhowaa.

Weerarkaas oo ay Monitoring Group oo arrinta u kuurgashay kaddib, rumaysan tahay in KDF looga diley ilaa 150 askari ayaa lagu tilmaamay guuldarraddii ugu waynayd ee abid soo gaarta Ciidanka KDF ee Kenya oo sidoo kale laga qafaashay ilaa 11 askari oo nool.

WEERARKA WAA LA OGAA

Ilo sirdoon oo aan la hubin ayaa sheegaya in dadka degaanka oo KDF col la ahaa iyo meesha ay xeradu ku taalley oo aan istaraatijiyad ahaan aan xero ciidan ku haboonayn ay hoos u dhigtay fursaddii ay KDF isku difaaci lahayd.

Yeelkeede, midda ugu darani waa inay Kenya eedayso hay’aadka amaan ee Somalia oo leedahay way ogaayeen balse way qariyeen inay xogta weerarka soo foolka leh la wadaagaan Ciidanka KDF.

“Ilo ka tirsan hay’aadka amaan ee Somalia ayaa Monitoring Group u sheegay inay ogaayeen in al-Shabaab badani ay ku gaaf wareegayeen ama kusoo ururayeen agagaarka xerada Ceel Cadde, waloow aan ujeedkooda la ogayn, taasoo ay sheegeen inay la wadaageen Kenya, balse warkaas waa beenisey Kenya,” sida warbixinta ku qoran.

Warbixinta ayaa intaa raacinaysa in qabiilka Mareexaanka ee aaggaas ugu xooggani aysan doonaynin inay la shaqeeyaan KDF oo taageerta qabiil Ogaadeenka, sida warbixinta ku qoran.

Dagaalkan lagu dul maray xerada Ceel Cadde ayaa muujiyey sida uu daciifka u yahay ciidanka Kenya oo aan xerada u diyaarsan qaab xero ciidan, wuxuu kaloo muujiyey sida uu u liito xiriirka AMISOM, maadaama ay meel aan ka fogayn oo koonfur bari kaga beegan Ceel Cadde oo Busaar la yiraahdo ay joogeen Ciidanka Itoobiya kuwaasoo xiriir xumo darteed u baaqday, taasoo keentay in gurmadkii ugu horreeyey laga soo diro gudaha Kenya, kaasoo yimid xilli dambe, sida ku dhigan Nation.

Hadalsame Media