Dhaqamada cusub ee laga diiiwaan geliyey kal-fadhiga Baarlamanka ee maanta

0

(Muqdisho) 31 Maarso 2021 – Ka sokoow in kulankii baarlamaanku maanta dhacay , waxaa jiray kulan wadaxaajood ah oo dhex.maray gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo xubnaha xildhibaanada mucaaradka.

Kulankaan oo ka horeeyay fadhigii baarlamaanka ayaa sida ay ii sheegeen xubno ka tirsan golaha shacabku waxaa ay gudoomiyaha iyo xubnaha mucaaradku ku heshiiyeen:

1- in fadhiga baarlamaanku si caadi ah u dhaco, iyada oo aanay jirin wax carqalad ah, ajanduhuna uu noqdo midkii hore.

2- In 15 ka xubnood ee laga hakiyau fadhigii baarlamaanka maanta ay ka soo qaybgali karaan kulamada soo socda ee Sabtidu ugu horayso.

Fadhigii maanta baarlamaanka ayaa ahaa mid ka duwanaa fadhiyadii hore, iyada oo lagu arkayay gudaha iyo banaanka madaxtooyada ciidamado aad u hubaysay iyo gawaarida beebeega loo yaqaano.

Sidoo kale gudaha baarlamaanka ayaa iyagana lagu arkayay ciidamo dharcad ah oo gadaal iyo hore ka joogay hoolka baarlamaanka.

Hal xidhibaan ayaa isku dayay in uu fadhiga carqaladeeyo hase ahaatee waxaa goobta ugu tagay mid ka mid ah saaxiibadiisa baarlamaanka kaas oo u sheegay in laga heshiiyay wixii dhacay.

Waa la isu ganban yahay, wax walbana waxaa ay ku xirnaan doonaan sida Dawladda iyo maamul goboleedyadu uga heshiiyaan nidaamka doorashada.

Waxaa Qoray: Xasan Cadde

Hadalsame Media