Beesha caalamka oo ku daashey u kala dab qaadidda siyaasiyiinta Somalia & arrinta oo loo gudbin rabo Golaha Amaanka

0

(Muqdisho) 31 Maarso 2021 – Xubnaha beesha caalamka ayaa laga soo xigtay in ay ka daaleen u kala dabqaadida hogaamiyayaasha Soomaalida, iyaga oo taagan halkii ugu danbaysay oo ay go’aankooda kama danbaysta ah ugu gudbin lahaayeen golaha amaanka ee QM si ay qaraar uga qaataan arrimaha Soomaaliya.

Fadhiyadii ugu danbeeyay ee ay ku niyad jabeen ayaa ahaa kii ay la qaateen shinacyada xukuumadda RW Maxamed Xusseen Rooble iyo Madaxwaynayaasha Maamul goboleedyada Puntlabd iyo Jubbaland.

Beesha caalamka oo kulamo la qaadatay dhinacyo ka baxsan hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa sheegtay in markii ay RW Rooble la kulmeen ay ka dalbadeen in uu kulan la qaato shanta Maamul goboleed islamarkaana ay isla dajiyaan ajandayaasha ku hor gudban furitaanka Shirka.

RW rooble oo ka aqbalay arrintaas ayay u tageen Siciid Dani iyo Axmed Madoobe waxaana ay Axmed Madoobe iyo Dani aqbaleen in kulan RW rooble gudoominayo uu dhaco si ajandayaasha la isula meeldhigo.

Beesha Caalamka ayaa isla goobtii ay kula shirayeen Labada hogaamiye ee PL iyo JL fariin uga diray PM ka, una sheegay in labada Mas’uul ay arrintaas aqbaleen oo ay tahay in shir beesha caalamku qayb ka tahay uu dhexmaro shanta Madaxwane iyo RWasaaraha.

Sida ay beesha caalamku u sheegtay dadkii ay la kulmeen RW Rooble waa uu aqbalay shirkaas balse saacado kadib ayuu fariin u diray beeaha caalamka,isaga oo ku yiri, inaga oo kaliya isu kaaya daaya, shirkiina maanta ma qabsoomin.

Waxaa kale oo la sheegayaa in sadexda Madaxwayne ee Galmudug,Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed u gudbiyeen beesha caalamka in ay arrintii dhex dhexaadinta gacan ka taageen.

Waxa kaliya oo hadii aan todobaadkaan shirku Furman ay tahay in beesha caalamku ay golaha amaanka u gudbiso in ay ku adkaatay heshiiskii lagu gaari lahaa nidaamka doorashada, kadibna Golaha amaanku uu qaraar ka qaato arrimaha Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan maanta ayaa golaha amaanku ka sugayay ergaygooda arrimaha Soomaaluya warbixin ku saabsan arrimaha hortaagan doorashadii la filayay in ay dalka ka dhacdo.

Waxaa ay beesha caalamku ka soo horjeedaa in la sameeyo doorasho hal dhinac ah, mid is barbaryaaca iyo muddo kororsi.

Waxaa Diyaariyey: Xasan Cadde

Hadalsame Media