DEG DEG: Xafiiska RW Rooble oo iclaamiyey shir ay kasoo qayb gelayaan Maamul-goboleedyadu

0

(Muqdiaho) 30 Maarso 2021 – Afhayeenka XF Somalia, Maxamed Ibraahim Macallimuu, ayaa iclaamiyey shir ay iskugu yimaadaan XF iyo Maamul-goboleedyadu.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mar kale ugu baaqeysaa madaxda Dowlad-goboleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan,” ayuu yiri Afhayeenku.

“Si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.” Ayuu daba dhigay.

Madaxtooyada ayaa tan iyo markii uu waqtigu ka dhacay 8-dii Febraayo 5 shir shaacisay walow aan midkoodna la ajiibin, balse waa markii ugu horreeysey oo shirka laga iclaamiyo dhanka Xafiiska RW Rooble.

Hadalsame Media