Imaaraatku Turkiga ma uga guulaysan karaan Somalia?

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2021 – Deganaasho la’aanta siyaasadeed ee jirta dalka Soomaaliya waa mid ayku lug leeyihiin dowlado shisheeye, dagaalka qaboow ee u dhaxeeyo dowladaha Emaratiga iyo Turkiga waa mushkiladda ugu wayn ee hor taagan nabadda Soomaaliya loo baahan yahay in la tilmaamo.

DOWLADDA IMAARAATKA

Dowladda Imaaraatigu waxay maal-gelisay af-gambigii dhicisoobay ee la doonaayay in President Erdogan xukunka looga tuuro 3 billion dollars, sidoo kale waxay diidan tahay in dalka Turkiga siyaasadiisa ku lug yeelato dowlada Arabta iyo Geeska Africa. Dowladda Emaratiga waxay dooneeysaa in dalka Soomaaliya siyaasadiisa iyo ilaha dhaqaalahiisa ay hoos tagaan Abu Dhabi.

DOWLADDA TURKIGA:

100 sano ka dib Turkiga wuxuu doonayaa inuu dib u soo celiyo awoodii uu ku lahaa dalalka Carabta iyo Geeska Africa, dibna u soo nooleeyo dowladaha Sunida ee burburay oo dalka Somaliya ka mid tahay, sidoo kale wuxuu doonayaa in Soomaaliya ay noqoto xarunta ganacsiga ee warshadahiisa suuqa Africa.

Shacabka Soomaaliyeed:

Inta badan Shacabka Soomaaliyeed marka laga reebo siyaasiyiin yar mooyee intooda badan ma doonayaan in Dalka Turkiga lagu xumeeyo dalkooda Soomaaliya, sababtana ay tahay abaal ay u hayaan President Erdogan oo u soo gurmaday markii dowladaha Carabta ay indhaha ka daboosheen dhibkii haaystay Soomaalida mudo 30 sano.

Dowladda Turkiga waa dowlad xoog badan, Somaliyana ku leh xarun malitari oo haaysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, taas awgeed aniga ma arko in Emaratiga uu Turkiga kaga guuleeysan karo Soomaaliya. Midaas waxaan ka wadaa in Soomaalida aysan waqti iskaga dilin siyaasadda Emaratiga oo dalkooda deganaashihiisa ay xooga saaraan lana qabsadaan siyaasad ahaan dalka Turkiga tasoo horumarka dalkooda wax wayn ka badali karta mustaqbalka.

Gunaanad: Ma jirto Soomaali is dagaalsan ee waxaa jira siyaasad is diidsan oo ay wataan dowlado Ajanabi, waa kaas runta.

Wa bilaahi towfiiq

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A. Qaasim

Hadalsame Media