YAAB: Gaari u shaqeeya Warbaahinta SNTV oo loo xirey inuu baasay gaari uu watey Taliye ka tirsan Saldhigyada Booliiska Muqdisho

0

(Muqdisho) 28 Maarso 2021 – Gaari uu leeyahay TV-ga DF Somalia ee SNTV ayaa haatan u xiran Taliyaha Saldhigga Booliiska ee Degmada Waaberi.

Gaariga ayaa lagu haystaa arrin la yaab leh sida uu sheegay Weriye Axmed Cali Kaahiye oo ka tirsan Warbaahinta DF, kaasoo ”dembiga” gaariga loo haysto oo dhan ku sheegay inuu baasay gaariga Taliyaha oo Jidka maraya.

”Gaariga shaqada TV ga Qaranka waxaa uu u xiran yahay Taliyaha saldhigga degmada Waabari waxaana loo haystaa inuu baasay ama gudbay gaariga taliyaha oo waddada marayay.” ayuu Axmed soo qoray.

Arrintan ayaa dad badan ka yaabinaysa, maadaama aanu jirin sharci dhigaya in gaari loo xiro inuu baasay qof madax ah, marka qura ee gaariga dacwo loo qabsan karaana waa marka uu jidka siin waayo gaadiid samaynaya howl deg deg ah sida Aambalaas, gaadiidka dab-damiska iyo ama Booliis meel ku ordaya, taa lafteedana waa shaqo u taallo Booliiska waddooyinka ee Taraafikada.

Yeelkeede, Axmed wuxuu sheegay uun in Taliyuhu uu jidka uun marayey, iyadoo la is waydiinayo tacadiyada shacabka caadiga ah ku dhaca haddiiba arrintan loo xirey gaarigii idaacadda DF.

Hadalsame Media