Wararkii ugu dambeeyey ee kulankii u socdey Maamullada & siyaasiyiin kale (Rajo & cabsi is dhinac socda)

0

(Muqdisho) 28 Maarso 2021 – Kulamadii ka soconayey Airport Hotel oo ku yaalla Xalane ee u dhexeeyey madaxda Shanta Maamul Goboleed ayaa is af garad lagu gaarey.

Kulankan oo sidoo kale lagu kulmay Guddoonka Aqalka Sare Md Cabdi Xaashi iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, ayaa lagu qanciyey inay doorashada ka qayb qalaan iyaga oo 2 dhinac ah waa Somaliland e.

Sidii aanu xalay qornay, Madaxda Maamul-goboleedyada ayaa sida uu qorshuhu yahay maalinta berito ah la kulmi doona RW Rooble iyagoo kala hadli doona ajendaha shirka wayn iyo in sugitaanka maanka shirkaas oo si rasmi ah loogu wareejiyo AMISOM.

Maamullada aadka ugu dhaw MW Farmaajo ayaa iyaguna dhankooda wada qorshe ay ku qancinayaan in Axmad madoobe iyo Deni inay aqbalaan inuu shirka guddoomiyo MW Farmaajo, haddii ay taas dhacdo waxaa iyagana dhankooda looga tanaasuli doonaa qodobada qaar.

Midawga musharixiinta ayaa dhankooda wada kulamo ay lalayihiin dhinacyada shirku usocdo iyagoo ku boorinaya in dhan walba uu tanaasul muujiyo lagana shaqeeyo in dalka dooraso loodhan yahay ay kadhacdo.

Wakiilada Beesha caalamka ayaa dhankooda wada dadaalo muhiim ah waxayna ogolaadeen codsi horay uga yimid maamulada puntland iyo jubaland oo ahaa inay goobjoog ka noqdaan heshiisada doorashada ee lagaari doono.

Maalinta Talaadada ayaa la filayaa in shanta Maamul-goboleed iyo MW Farmaajo ay kulmaan, haddii aanu kulanka Baarlamaanka berrito ka soo bixin wax dhaawaci kara dadaallada socda, taasoo xaaladda uga dari doonta.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa sheegaya in markale galabta ay xubno ka mid ah wakiillada Beesha caalmku ay Mursal uga digeen in kulanka berrito wax mudo kordhin ah aan loogu sameeyo dhamaan hay’adaha dawlada ee uu waqtigoodu dhamaaday.

Hadalsame Media