Turkiga oo doonaya inuu door wanaagsan ka ciyaaro xallinta xasaradda ka taagan doorashada Somalia

0

(Muqdisho) 28 Maarso 2021 – Wasiir Dibadeedka Turkiga Mevlut Covusuglu ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Somalia si uu ugu kala dab qaado dhinacyada ku muransan doorashada Somalia iyo moodalkeeda.

Turkiga ayaa doonaya inuu diro farriin istaraatiji ah oo ku aaddan in aanu Turkigu kaliya ahayn jaal horumarineed, balse uu sidoo kale yahay mid amaan oo sii wadaya taageerada dalka Somalia.

Ilaha diblomaasiyadeed weli ma xaqiijin goorta ay booqashadaasi dhici karto, balse aad baa loo filayaa, waloow ay wax is bedeli karaan haddii ay heshiis gaaraan dhinacyada oo lagu wado inay is hor fariistaan bilowga todobaadka.

Turkiga oo Somalia ka taageera dhinacyo badan oo lagu dhisayo kaabayaasha iyo mugga Somalia ayaa ah dal aan lakala safan dhinacyada Soomaalida, balse isku deyaya inuu Somalia u caawiyo dal ahaan.

Wasiirka ayaa haddii ay booqashadiisu dhacdo sidoo kale booqan kara dalalka kale ee gobolka, iyadoo ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in ay Kenya Turkiga ka codsatay inuu kala hadlo Somalia, walow aysan wax rasmi ihi weli jirin.

Hadalsame Media