XOG: Deni iyo A. Madoobe oo ogolaaday inay shirka kasoo qaybgalaan (Kulan hordhac ah oo ay la yeelanayaan Madaxtooyada)

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2021 – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, oo ay la socdaan dhiggiisa Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ayaa lagu soo warrmayaa inay Madaxda Jubbaland iyo Puntland ku qanciyaan inay kasoo qayb galaan kulamada looga hadlayo doorashada.

Maalinnimada Talaadada ah ayaa lagu wadaa inuu dhoco kulankii ugu horreeyey oo ay wada yeelanayaan madaxda XF sida MW Farmaajo iyo RW Rooble si loo amba qaado arrimaha doorashooyinka.

Yeelkeede, Deni iyo Madoobe, ayay wararku sheegayaan inay codsadeen in inta aanu kulankaa dhicin la soo qanciyo Midowga Musharaxiinta iyo Cabdi Xaashi oo ah Guddoonka Aqalka Sare.

Wararka ayaa intaa raacinaya in durba ay  Madaxda Maamul-gobaleedyada wax isu jiid jiidayaa ay bilaabeen la kulanka Midowga Musharrixiinta iyagoo berri arkaya Md Cabdi Xaashi.

Sida uu qorshuhu yahay waa in Isniinta ay Maamullada Puntland iyo Jubbaland la kulmaan RW Rooble, kahor inta aanay arag MW Farmaajo, si loogu gogol xaaro kulanka Talaadada.

Hadalsame Media