HINDISE: Khad tareen oo isku xiraya Addis Ababa & Berbera oo lasoo bandhigay + Tafaasiisha

0

(Addis Ababa) 25 Maarso 2021 – Shirka Maalgashiga Gaadiidka ee ka soconaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa lagu soo bandhigay qorshe cusub oo lagu dhisayo kaabayaal goboleed, gaar ahaan khad xadiid ah.

Dr. Firehiwot ayaa keenay hindise ku aaddan khad tareen oo isku xiraya magaalooyinka Ayisha iyo Berbera Railway.

Khadkan ayaa gaaraya masaafo dhan 310 km oo kasoo dhaadhacaya dhanka caasimadda Addis Ababa.

Dhismaha khadkan cusub oo weli hindise uun ah, balse la filayo in maalgashi loo helo ayaa u baahnaan doonaa ilaa 1.5 bilyan oo doollar, wuxuuna ka koobnaan doonaa 60 km oo gudaha Itoobiya lagu gaarsiinayo khadadka kale ee xadiidka ah iyo 250 km oo gudaha Maamulka Somaliland ah.

Arrintan ayaa Itoobiya ka caawinaysa inay biddaal u hesho badeecadaha ay kala soo degto Jabuuti iyadoo kordhin karta tareenada badeecada soo daabula haddii uu mashruucani hirgalo.

Hadalsame Media