Cabdi Janan oo ka hadlay arrimo uusan marna yeeli doonin (5 shuruudood)

0

(Hadalsame) 24 Juun 2021 – Bashiir Caato ayaa sheegay in uu la hadlay Cabdirashid Janan oo haatan wada xaajood uu kula heshiinayo kula jira DF Somalia, isagoo sheegay inay jiraan shuruudo uu wato oo ay ku jiraan:

1. In uu heshiiska Dowladda Federalka la galay asagoo ah Wasiirka Amaanka ee Jubaland.

2. In ay la socdaan ciidan gaaraya 400 oo askari oo wata 36 gadiid dagaal ah.
3. In Ciidankaas ay la wareegeyso Dowladda Federalka Somalia.
4. In heshiiska uu qeyb ka yahay Korneyl Cabbaas iyo saraakiil kale oo Gobolka Gedo joogay.
5. In uusan siyaasadda ka bixi doonin.

Waxaa kale oo uu Janan sheegay in intaas oo dhan uu u sameeyey si wax lagaga qabto abaaraha iyo collaadda ka taagan gobolka Gedo, isla markaana uusan dooneynin in uu qayb ka noqdo is-jidjiidka siyaasadeed ee Xamar ka socda, sida uu Caato kasoo weriyey.

Janan oo horay uga baxsaday xabsiga DF ayaa dhowr mar isku dayey inuu xoog kusoo galo magaalada Beled Xaawo balse waa laga itaal roonaaday.

Hadalsame Media