”Waxaan ahay PhD ee i caawi!” – Sawir kun sheeko gudbinaya oo ku saabsan wiil aqoontiisii wax uga la’ gobolkiisii

0

(Hadalsame) 23 Maarso 2021 – Waxaa soo baxay sawirrada arday Soomaaliyeed oo duruufo adag wax ku soo bartay, ha yeeshee aan aqoontii uu kusoo dadaaley ku helin fursadihii nololeed iyo shaqadii uu u baahnaa.

Wiilkan oo aynaan magaciisa iyo xiriirkiisa helin balse sida sawirka ka muuqata jooga meel ka tirsan Somaliland ayaa sita warqad yar oo uu ku dul qoray ”waxaan ahay PhD ee fadlan i caawi.”

Waxaa sawirkani xambaarsan yahay malaayiin sheeko oo sawiraya eexda, nin tooxsiga, musuqa, maamul xumada iyo jahawareerka ka jira Somalia oo haatan u kala jajaban gobollo qaab reeraysan u abaabulan, balse aan weli lagu degin naqii loo sheegayey inay dadku helayaan haddii ay dowladnimada ku fallaagoobaan, la murmaan amaba ka goostaan.

Tusaale ahaan, qofka gobol ka yimaada inuu si cadaalad ah wax uga helo Muqdisho ayaa kun jeer ka sahlan inuu isagoo aan cidna ku tiirsanayn uu wax ka helo gobolka uu ka imanayo, taasoo ah arrin la xaqiijiyey.

Waxay taasi muujinaysaa in aanu dalku ku raysan doonin reero meelo lagu kala oodo taasoo ay iminka kasoo baxayaan kali talisyo yar yar, balse loo baahan yahay in kaliya la hufo maamulka dhexe ee umadda.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media