XOG: Kenya oo muuqaallo, dokumentiyo & jaantusyo qaar Dayax-gacmeed lagu qaaday u dirtay Maxkamadda ICJ

0

(Hadalsame) 03 Maarso 2021Maxay Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ? February 22, 2021 ayaa Kenya Maxkamadda ICJ u gudbisay wixii xog, caddeymo, qoraallo iyo heshiisyo ay heli karaysay si cabirka badda sida ay rabto loogu xukumo.

Caddeynta ugu weyn ee Kenya gudbisay ayaa ka kooban saddex boqol iyo shan iyo toban (315) bog oo shan (5) cutub ka kooban oo cutubkiiba tirsi iyo madaxyo hoosaad leeyahay. Qoraalkan rasmiga ah ee Kenya gudbisay waxaa ku dhex duugan garnaqsi ay ku doodayso sida cabirka xariiqu u dhacayo, dacwadda badda ee Soomaaliya in aysan maangal aheyn iyo eedo ay Soomaaliya ku eedaynayso in wakhtigii Dowladdeenna Dhexe shaqeynaysay iyo burburkii toona Soomaaliya dood ka furin sheegashada Kenya ee xariiqa cabirka dhul baddeedka Aaga Ganacsiga (EEZ) iyo Qalfoof Qaaradeedka (Continental Shelf) labada dal wadaagaan.

Si ay eedahaas ugu meel hesho Kenya, waxa ay xujo iyo marag ka dhiganaysaa in Soomaaliya, dowlad shaqeynaysa ka jirtay ilaa August 2000. ‘‘Marna muran baddeed Soomaaliya, kor iyo hoos uma sheegin oo xariiqa xadka Badda aan suubsannay June 2005 bannaan yaal aan la qarin buu ahaa’’ ayey ku doodaysaa Kenya.

Meelaha qaar in cabirka xariiqa badda ay Kenya faafisay February 28, 1979 ayey ku sheegaysaa oo Qaramada Midoobay u diiwaan gelisay 1986.

Sheegashada Kenya ee Aagga Ganacsiga iyo Qalfool Qaaradeedka 1979 waa mid ka duwan Qaraar Madaxweyne Mwai Kibaki soo saaray June 9, 2005 oo xariiqda badda iyo xadka Kenya, la leedahay Soomaaliya, ka hadlaya. Qaraarkaas faafinta rasmiga ah ayey Kenya ku soo saartay July 22, 2005.

Doodda Kenya, inta badan waa qodobo si sahlan loo burin karo. Meelo badan oo kamid ah waa iska hor imaanayaan. Waana sababta ay Kenya dhageysiga dacwadda uga baaqsatay.

Caddeymaha Kenya waxa ay ku kabtay qabsinno (annexes) iyo labo (2) mudac uleed (USB sticks) sida caddeymo dheeri ah oo intooda badan ka hadlaya shuruucda badda Kenya iyo Soomaaliya, caddeymo rasmiya oo dowladdeed, xog diblomaasi oo labadda dal is weydaarsadeen, xariiqu halka uu ku dhacayo noolaha ku nool noocyadiisa kala duwan (iyo khayraadka ku duugan), qariirado (maps), sawiro isugu jira kuwa satalayd (satellite) iyo gacan ba lagu qaaday, deegannada iyo magaalooyin xeebeedka Kenya ee go’aanka Maxkamaddu saameyn doono haddii Soomaaliya loo xukumo dhul baddeedka Kenya sheeganayso.

Lifaaqyadu waa siddeed (8) qeyb oo boqol sagaashan iyo todobo (197) qabsin lifaaq u sii kala baxaya. Isugu geyn waa afar kun iyo siddeed boqol oo bog xog ka badan (4852) ayaa Kenya u gudbisay Maxkamadda.

Caddeymaha Kenya waxay ku lifaaqday dhambaal sagaal (9) bog ah oo Xeer Ilaaliyaha Kenya, ku saxiixan yahay iyo qiraal marag fur ah oo lixdan (60) bog ah oo Madaxa Baaridda Caddeymaha Kenya qoray. Qiraalka ayaa waxaa ku saxiixan Charles Gurdon, oo Kenya, ugu raad jooga raadin xog iyo caddeymo dheeri ah si raad gadasho, seeto dheereyn iyo jiitanka dacwadda badda u socoto.

March 11, 2021 oo afar (4) beri oo keliya ka dhiman tahay furitaanka dhageysiga dacwadda ayaa Kenya ku wargelisay Maxkamadda in aysan imaanneyn ballanta oo codsanayso in wakhti ay ku soo gudbiso caddeymo dheeri ah la siiyo.

Maxkamaddu kama hoos qaadin codsiga iyo wargelinta baajinta dhageysiga ay Kenya dalbatay oo sidii qorshuhu ahaa ayaa loo guda galay dhageysi gal dacwadeedka Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya.

Halkaas ha inoo joogto maanta!

Waxaa Diyaariyey: Mahad GeelleHadalsame Media