5 dhaqan siyaasadeed oo uu leeyahay MW Farmaajo oo xaaladda sii dhabjinaya & 2 uu kaga duwan yahay Shariif & Xasan

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2021 – Madaxtooyada ayaa markii 5-aad shir aan cidina ka qayb geleynin iclaamisay shir aan cidina kasoo qayb gelaynin sida muuqata oo aan weliba la aqoonin halka uu ka dhacayo.

MW Farmaajo ayaa horay shirar noocan ah u iclaamiyey 9, 17 iyo 22-kii Febraayo, iyo sidoo kale 1 iyo 19-kii Maarso oo xalay ahayd, tiiyoo ay jirto inuusan jirin wax wada hadal ah oo dhexmaray isaga iyo ragga mucaaradsan qaarkood, taasoo dadku fahmeen warqad loosoo saarayo shakli (formality) ahaan, balse aan wax ujeeddo farsamo ihi ka dambayn.

Haddaba, waxaan idiin haynaa qodobbo muujinaya in waloow ay qolyaha mucaaradku aysan laftoodu xil garadnimo iyo xikmad badan muujinaynin ay Madaxtooyadu sidoo kale gefsan tahay dhabbihii xalka.

1 – MW Farmaajo iskuma howlo inuu la hadlo oo xal ka keeno kooxaha mucaaradka oo uu badankooda la leeyahay xiriir ah nooca ay dhallinyaradu u taqaan ”col iyo cadaawo”, hab-dhaqankaasoo meesha ka saaraya in la is fahmo.

2 – Mar kasta oo shir lagu ballansan yahay uu dhici rabo waxaa Madaxtooyada sidoo kale kasoo baxa go’aan xaaladda sii cakira, taasoo ay sidoo kale qiil ay wax ku diidaan u noqda qolyaha mucaaradka, hadda waxaa ugu dambeeyey ciidamo loo diray Gedo.

Dabcan, khalad ma aha in ciidanka Gedo loo diro, balse inay wuxu sax yihiin kaliya looma sameeyee waxyaabo badan oo kalena waa la xeeriyaa si xal loo gaaro, tan kale ciidanka amaanka meelo badan oo baahi badan u qabta ayaa badan, maadaama aanu dalku lahayn ciidan mug iyo awood badan leh.

3 – Waxaa muuqanaysa in MW Farmaajo uu ilaa dhamaad la xafiiltamayo qolyaha isaga ka hor jeeda, taasoo meesha ka saaraysa dhadhankii dowladeed, waayo MW waxaa saaran mas’uuliyad ka badan midda saaran qolyaha mucaaradka oo aan qirayo inaysan inta badan meesha ku haynin qorshe siyaasadeed oo micne leh, balse marka uu Madaxwaynihii dalku la xafiiltamo waxaa halkaa ku dhumaysa maslaxadii umadda, waana wax lasoo arkay.

4 – MW Farmaajo uma muuqdo in xilkii haya isaga oo aan wax heshiis ah ku joogin sidaa darteed lagaga baahan yahay inuu is yara debciyo oo dadka u furfurnaado. Haa, waa loo baahan yahay inay DF sii shaqayso haddiiba ay dhacday inuu waqtigii dhamaaday, balse waxaa waajib ku ahayd inuu heshiis meesha ku fadhiyo. Qaar ka tirsan dadka taageersan ayaa ku dooda in Shariif iyo Xasanba loogu daray, balse waxay uga duwan yihiin laba arrimood:

a) Waxay meesha ku joogeen heshiis siyaasadeed (political settement)

b) Waxay markasta muujinayeen inay ogolyihiin qabsoomidda doorashada oo ay markii laga guulaysteyna xilka si sharaf leh u wareejiyeen. Ma lihi wax ma khaldin laftoodu ama wax isma dhaafdhaafin, balse aad bay uga macquulsanaayeen sida ay haatan wax ku socdaan oo ay wax kasta cakiran yihiin (stagnancy).

5 – Waxaad mooddaa in madaxa la taagayo marka lala macaamilayo beesha caalamka, balse waloow aan cidna yeelaynin wixii khaldan misna waxaa Madaxtooyada ku waajib ah inay noqoto dad hoos u qodan (pragmatic) oo xalkii laga badin waayo raadin kara, halkii lagu mashquuli lahaa qab aan ku imanaynin dal min MW ilaa meel xaaqe uu bishii u xaadirayo mushaar lagu dhiibey kaalmo caalami ah.

Shantaa qodob xaaladda waa sii murjinayaan

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media