Somalia faa’iidooyin maka heshay heshiisyadii ay la gashay RW Abiy Ahmed?!

0

(Hadalsame) 19 Maarso 2021 – Heshiisyadii laba geesoodka ahaa (Bilateral agreements) ee ay Soomaaliya la saxiixatay Itoobiya iyo kuwii saddex geesoodka ahaa (Tripartite Agreement) ee dhex maray Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea waa kuwo wax badan oo culeys ah ka fududeeyay Soomaaliya.

Heshiisyadaasi oo ku qotomay in la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin; Siyaasadda, dhaqaalaha, Militeriga, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha bulshada ayaa waxaa muuqanaysa in dhinacyada saxiixay ay tixgeliyeen.

Tan iyo markii Itoobiya ay Ra’iisul Wasaare u dooratay Abiy Ahmed 2018 waxaa isbeddeshay siyaasaddii Itoobiya ay kula dhaqmi jirtay Soomaaliya iyo weerarradii dhanka xuduudda labada dal, ciidammadii Itoobiyaanka ee horey iyo gadaal u mari jiray Soomaaliya dhibaatooyinna u geysan jiray shacabka iyo isdhex yaacii dhanka siyaasadda ahaa ee muddada dheer ka dhex jiray labada waddan.
Siyaasiyiintii Soomaalida ee markii wax yar ay dhacaanba xaggaa iyo Addis Ababa u kala yaaci jiray ayaa la waayay waayadan dambe, taasoo noqotay mid culeys weyn oo dhinaca siyaasadda ah ka khafiifisay Soomaaliya.
Waxyaabaha kale ee yareeyay faragelintii Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxaa ugu waaweyn dagaalka waayadaan dambe ka socda gobolka Tigreega, colaadaha qowmiyadaha ee ka soo cusboonaaday gudaha Itoobiya, xiriirkii Mareykanka iyo Itoobiya oo xumaaday iyo weliba dagaalka kale ee culus ee ka soconaya xuduudda u dhexeysa Sudan iyo Itoobiya kaasoo ciidammada labadaasi waddan ay ku dagaallamayaan lahaanshaha dhul.
Haddii maanta Siyaasadda Itoobiya ay ahaan lahayd sidii berigii hore waxaa culeyska iyo farafelinta dhanka xuduudda ee Soomaaliya haatan ka haysta dhinaca Kenya ugu darsami lahaa culeys kale oo isna baaxaddiisa lahaan lahaa oo kaga furmi lahaa xagga xuduudda kale ee aan la wadaagno Itoobiya.

Wax walba oo fara gelin iyo xadgudub ah oo Soomaaliya kaga imaanaya dowladaha Carbeed iyo dowladaha aan deriska nahay ayaa waxaa fududeeya sababna u ah siyaasiyiinta calooshood u shaqeystayaasha ah ee dalkooda lugaha ku dheggan, kuwaas oo nuucyadooda oo kale ay ka jiraan dhammaan dadalka adduunka hase yeeshee mar hore la cirib tiray, qaarkoodna ilaa maanta haddii lagu helo khiyaano qaran lagu xukumo xabsi dheer.

Waxaa Qoray: Yaxye Y. Khasaaro

FG: Aragti kasta waxay ka tarjumaysaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media