YAAB: Nin Soomaali ah oo iska leh TV ay Soomaalidu aad u daawato oo sheegay inuu lacag u ururinayo Kenya si ay ugu guulaysto kiiska ICJ

0

(Nairobi) 14 Maarso 2021 – Qarreenka Soomaaliyeed ee Cabdinaasir Cabdullaahi oo ka mid ah sharci yaqaannada ugu waawayn magaalada Nairobi ayaa ku baaqay qorshe lacag loogu ururinayo Kenya si ay uga guulaysato Somalia.

Ninkan ayaa ah milkiilaha TV-ga RTN oo sida wayn looga daawado Somalia iyo dhulalka kale ee Soomaalida, iyadoo uu warkiisu la yaab ku noqday dad badan.

”Waxaann Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Kenya ogaysiiyey in haddii sababta ay Kenya uga baxday dood-afeedka muranka badda ee Somalia ay tahay dhaqaale darro ka jirta dhanka Kenya, oo ay sidaa darteed lacagta qarreennada bixin la’yihiin, inaan diyaar u nahay inaan hallaambeey ku qaadno (yacni aan lacagta soo ururinno).”

Soomaalida ayaa warka ninkan aad uga xumaatay iyadoo ay qaarkood ku baaqayaan inaysan fiicnayn inuu isagu isasoo mutuxo, gaar ahaan xilli ay Kenya u muuqato inay tahay midda gar daran, balse dad kale ayaa dhinac kale ka eegay oo muujiyey inuu iftiimiyey dhaqaale darro Kenya haysata, waloow aragtida dambe aysan cago badan ku taagnayn.

Hadalsame Media