Kenya oo kahor inta aan berri dacwadda ICJ la furin hal codsi u jeedin doonta Maxkamadda

0

(Hague) 14 Maarso 2021 – Kenya ayaa ka baxday dood-afeedka berri lagu dhegeysanayo Hague ee soconaysa berri ilaa 24-ka Maarso, iyadoo qiil ka dhigatay in laga diidey codsigeedii ahaa in dhegeysiga markii 3-aad dib loogu dhigo.

Sida ku dhigan warqaadka Kenya ee The Standard, waxaa la filayaa inay Kenya ay ICJ u dirto warbgelin rasmi ah oo ku saabsan maqnaanshiyeheeda.

Kooxda Kenya difaacaysa ayaa sidoo kale lagu wadaa inay berri Maxkamadda ICJ ka codsato in la siiyo muddo 30 daqiiqadood ah oo ay ku sharraxdo sababta ay uga baaqatay dhegeysiga dacwadda.

Kenya ayaa sheeganaysa dhul-badeed bedkiisu gaarayo 255,000km, iyadoo ku doodaysa inay Somalia u ogolaatay 1979-kii, iyadoo qabta inay Somalia xadkaa aqoonsanayd muddo 35 sanadood ah.

Waxaa se taa beeninaysa sababta ay Kenya ugu baahatay saxiixa MoU 2009-kii, haddii ay Somalia ka haysato saxiix ku saabsan inay dhulka leedahay, ilaa Agoosto 28, 2014 ay DF Somalia arrintan hor geeyso Maxkamadda International Court of Justice.

Hadalsame Media