Turkiga oo shaaciyey xog muhim ah oo ku saabsan Komaandooska Gor Gor ee uu tababaro

0

(Ankara) 10 Feb 2021 – Qayb cusub oo ka tirsan Ciidanka uu Turkigu tababaray ayaa ka degey magaalada Muqdisho kaddib markii ay tababar kusoo qaateen dalka Turkiga.

Wasiirka Gaashaandhigga DF Somalia, Xasan Xuseen Xaaji iyo saraakiil kale ayaa kusoo dhoweeyey gegada caalamiga ah ee Aadan Cadde, isagoo ciidanka u sheegay inay yihiin ciidan qaran, isla markaana u mahad celiyey Turkiga.

”Ciidankan ayaa ku biiri doona ciidanka ugu wax galsan Ciidanka Xoogga ee loo yaqaan Gor Gor, kuwaasoo ay wada tababareen Turkigu,” ayaa lagu qoray Anadolu Agency.

Turkey ayaa muddo Somalia u ah jaal la isku hallayn karo isagoo ka dhisaya dhinacyo badan oo muhim ah sida tababarka iyo qalabaynta ciidanka, gaar ahaan Komaandooska Gor Gor iyo Haramcad oo ah Ciidanka Gaarka ah ee Booliiska.

Turkiga ayaa Somalia u diyaarinaya 16-18,000 oo askari oo millateri ah oo xirfadleyaal ah, kuwaasoo leh tababarrada ugu dambeeya ee ay NATO bixiso.

Hadalsame Media