”Taariikhda horay uma dhicin dal saxiixay heshiis muran lagu gelinayo gayigiisa” – Saxaafadda Taiwan oo soo qaadatay maqaal tilmaamaya in Somalia heshiiskan gashay iyada oo ”hurdaysan”

0

(Taipei) 09 Maarso 2021 – Warqaadka The Taiwan Times ayaa soo qaatay maqaal hore oo ka hadlaya heshiiskii lagu sheegay Isfahamka ee ay DKMG ahayd 2009 la gashay Kenya, kaasoo ah halka guud ahaanba uu salka ku hayo sheegashada boobka iyo wax kororsiga ku dhisan ee Kenya waddo.

Tusaale, fakhradda 2-aad ee heshiiskan (Memorandum of Understanding) ayaa wuxuu si cad Kenya u siinayaa inay xaq u leedahay inay sheegato dhul-biyoodka Somalia, waa kane akhri:

“The delimitation of the continental shelf between the Republic of Kenya and the Somali Republic (hereinafter collectively referred to as “the two coastal States”) has not yet been settled. This unresolved delimitation issue between the two coastal States is to be considered as a “maritime dispute”. The claims of the two coastal States cover an overlapping area of the continental shelf which constitutes the “area under dispute”.

Nuxurka qodobkan ay saxiixday DKMG ahayd ee uu hoggaaminayey Sheekh Shariif waa in ay Somalia qirayso in aan dhulkan lagu muransan yahay horay loo kala xadaynin, taasoo aan run ahayn, balse ah halka ay maanta ku qotonto doodda Kenya.

Waxay sidoo kale Somalia saxiixday inay labada dal ka wada hadlaan arrintan taasoo iyaduna ah sababta ay Kenya u cuskan karto diidmada go’aan kasta oo kasoo baxa ICJ oo ah maxkamad aan lahayn awood fulineed.

”Taariikhda horay uma dhicin in uu dal saxiixo MOU uu muran ku gelinayo geyigiisa.” ayaa lagu leeyahay maqaalka oo lagu daabacay The Taiwan Times.

Halkan la wada akhri.

Hadalsame Media