Hindiya oo ay kasoo baxday xaafad lagu naanayso ”Mini Somalia” + Sawirro

0

(Hyderabad) 17 Feb 2021 – Cunsuriyad, qiimaha nolosha oo qaali ah, dhibaato luuqadeed iwm oo ka jira dalalka hormaray, ayaa Hyderabad ka dhigaysa dookha 1-aad ee Soomaali fara badan oo waxbarasho iyo nololba halkaa u taga.

“Hyderabad uma baahna ololayaal isdhexgal ah oo dadka maxalliga ah waxaan ula nool nahay sidii dad walaalo ah. Waan isla cunnaa, wax isla baranaa, islana shaqaynaa,” ayuu yiri wiil ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee halkaa wax ka barata.

Meesha ay ugu badan yihiin Soomaalida waxbarashada halkaa u joogtaa waa Tolichowki oo ah xaafadda ay ugu badan yihiin dadka ajnabiga ah ee ka soo jeeda Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiyada Dhexe.

Haddii aad tagto jidadka Paramount waxaad ku arkaysaa makhaayado Carab iyo Soomaali leedahay oo ay ku nasanayaan dadka ka yimi Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo halkaa ku waqti dhamaysta marka ay mashquul ahayn iyagoo sita dhar dhaqameedkooda.

Waxay la mid tahay Barkas, oo ay dad Yemeni ihi deganaayeen muddo 150 sanadood ah iyagoo Hyderabad soo degey waayihii Asaf Jahi ama Nizams (1724-1948).

Xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay ayaa lagu naanayso “Mini Somalia” iyadoo baraha bulshada iyo saxaafadda Hyderabadi-gu ay xitaa magacaas ugu yeeraan, gaar ahaan xaafadda Tolichowki ka tirsan ee Paramount, maadaama ay Soomaali badani halkaa ku nooshahay.

Hadalsame Media