”Dayuuradihiinnu kama soo degi doonaan halkan!” – Maraykanka oo digniin naadir ah u jeediyey Israel + Sababta

0

(Washington, DC) 16 Feb 2021 – Wasaaradda Gaadiidka DF Maraykanka ayaa ka digtey inay dayuuradda Israel ee El Al u diidi doonto rukhsadda ka degista garoomada Maraykanka haddii ay Tel Aviv sii waddo inay dayuuradaha Maraykanka u diiddo inay ka degaan Israel.

Sida uu faafiyey hilinka Israeli-ga ah ee TV Channel 12, Wasaaradda Gaadiidka ayaa Israel ka dalbatay in dayuuradaha Maraykanku ay Israel usoo qaadaan dadka Maraykanka iyo dalal kale ku go’doomay ee aanay howshaa u dirin El Al oo qura.

Washington, ayaa Israel u sheegtay in go’aankooda ah in kaliya dayuuradaha Israel ay soo qaadaan dadkaasi ay ku tumanayso heshiisyada caalamiga ah ee duullimaadyada.

Maamulka Biden ayaa farriintaa gaarsiiyey Israel iyagoo si cad ugu sheegay in dayuuradaha labada dhinacba ay howshaa qabtaan si looga fursado xasarad ka dhex dhacda labada dhinac.

Warbixinta ayaa sheegay in Israel ay haatan ka baqanayso in UK ay qaaddo tillaabadaa oo kale, iyadoo lagu wado in Wasaaradda Gaadiidka Israel ay ku baaqdo kulan aan caadi ahayn si arrinta loo furdaamiyo.

Israel ayaa tillaabadan qaadday 25-kii Jannaayo, si loogula tacaalo faafidda coronavirus, sida ay sheegtay.

Hadalsame Media