”Dalku wuxuu galay marxalad ugub ah!” – Gaas oo ku baaqay in shakiga laga saaro in doorasho la qabto

0

(Hadalsame) 15 Feb 2021 – RW hore ee Somalia iyo MW hore ee Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa furka ku xooray madaxda DF Somalia oo uu ku tilmaamay kuwo ”shaki gelinaya” in ay qabsoonto doorasho daah-furan.

Gaas oo la hadlayey idaacadda maxalliga ah ee Daljir, ayaa ku dooday in DF ay haysatey muddo 4 sanadood ah oo ay ku diyaarin kartey inay dalka doorasho xor ah gaarsiiso, inay Dastuurka dhamaystiro isla markaana ay dalka ka xoreeyso kooxda xag-jirka ah ee Shabaab, sida uu yiri.

“Maanta waxaan guuldarro ahayn oo muuqdaa ma jiraan dhan walba, waxaana ka mas’uul ah Madaxweynaha iyo ragga la hal-maala”, ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa intaa raaciyey in Somalia ay haatan ka socoto arrin ugub ah ku ah dalka oo aan lagu soo arag marxaladihii uu dalku soo maray muddooyinka burburka ka dambeeyey, isagoo madaxda sare ee XF ugu baaqay inay ”mugdiga ka saaraan” inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo la isku waafaqsan yahay.

Hadalsame Media