Turkiga oo sameeyey dooni dagaal oo bilaa darawal (naaquude) ah oo ku hubaysan gantaalaha laga hago laysarka + Sawirro & Muuqaal

0

(Ankara) 14 Feb 2021 – Turkey ayaa sameeyey dooni dagaal oo bilaa darawal ah (AUSV), middii ugu horreeysey ee ay iyagu sanceeyaan waxaana lagu dhisay hoosada maraakiibta ee Ares Shipyard iyadoo lala kaashanayo shirkadda Ankara-deggan ee Meteksan Defense Industry Inc.

Marka tijaabada 1-aad oo ah inay kaligeed aaddo meeshii loo diro lagu guulaysto waxaa xigi doonta tijaabada dab-ridka hubka ku rakiban taasoo ka dhici doonta dhanka badda.

Doonidan nooca AUSV ah ayaa ka dhalatay daraasad 3 sanadood qaadatay oo ay wada sameeyeen labada sharikadood iyadoo gaari karta masaafo dhan 400 km (249 mayl), saacaddiina jari karta 65 km (40.3 mayl), waxayna leedahay aragti habeen iyo maalin ah iyo kaabayaal ka caawinaya inaan la jabsan isgaarsiinteeda (encrypted communication).

Doonidan meesha fog laga hagayo ayaa waxay ka howlgeli kartaa badda, talisyada xeebaha, maxaddooyinka sabaynaya iwm, iyadoo qaban karta howlo iskugu jira sahan, sirdoon, gelbinta maraakiibta, ilaalinta tas-hiilaadka istaraatijiga ah iyo sidoo kale ka qayb qaadashada nooc kasta oo dagaal.

Waxay ku hubaysan tahay 4 gantaal oo ah nooca laysarka lagu hago iyo laba gantaal oo ah kuwa masaafada fog ee tawaangida lagu dilo (L-UMTAS), kuwaasoo ay wada samaysay sharikadda kale ee Turkiga ah ee arrimaha difaaca ee Roketsan.

Hadalsame Media