MW Somalia oo ku baaqay shir kale oo ay iskugu yimaadaan XF & Maamulladu (Goorta & goobta)

0

(Muqdisho) 09 Feb 2021 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada.

”Shirkan oo ka furmaya 15-ka bishan Febraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Villa Somalia.

”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26.kii Sebteembar 2020.” ayaa la daba dhigay.

Warkan ayaa soo baxaya maalin uun kaddib markii uu dhamaaday waqtigii caadiga ahaa ee Madaxwaynaha dalka.

Hadalsame Media