Siyaasi sheegay inay jiraan siyaasiyiin doonaya inay Somalia ”xasarad” ka abuuraan + Ujeedkooda

0

(Nairobi) 07 Feb 2021 – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macallin ayaa iftiimiyey inay jiraan siyaasiyiin uu sheegay inay ”shisheeye u adeegaan” oo geed kasta u fuulaya inay Somalia xasarad muquurato.

Faarax Macallin oo ah nin inta badan u hadla qoowmiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal uu bartiisa Twitter kusoo qoray ku yiri sidatan:

”Waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo tiraahda ”nin xaaskaaga doonayaa gabadhaada kuma qanco,”.

”Wakiillada shisheeyaha ee gobollada qaarkood kuma qancayaan wax ka yar inay qaaquullo ka abuuraan Somalia.” ayuu raaciyey.

Warka Faarax ayaa imanaya kaddib markii uu burburay shirkii 4-aad ee Dhuusamareeb kaddib markii uu Axmed Madoobe ku adkaystay in isaga la hoos geeyo doorashada Gobolka Gedo, waloow MW Farmaajo laftiisa eedda wax laga saarayo.

Hadalsame Media