WHO oo malaayiin kuuro oo tallaalka Covid-19 ah siinaysa dalal ay Somalia ku jirto (Ceeb dalalkaa haysata)

0

(Hadalsame) 23 Jan 2021 – Pfizer-BioNTech ayaa bisha soo aaddan tallaalkii ugu horreeyey ee cudurka coronavirus gaarsiin doona dalalka saboolka ah, taasoo qayb ka ah barnaamijka hay’adda COVAX ee WHO oo bartilmaameedsanaya 20% ka mid ah dadka faqriga ah sanadkan.

Madaxa WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in hay’adda COVAX ay heshiis qalinka kula aastay sharikaadka tallaalka sameeya ee Pfizer-BioNTech oo dalalka aannu sheegnay siin doona 40 milyan oo kuuro oo tallaalka ah.

Waxaa xigi doona 150 milyan oo kuuro oo ay bixinayso AstraZeneca taasoo dadka la gaarsiinayo rubaca hore ee sanadkan iyadoo ay qaybinayso COVAX kaddib marka ay WHO sumaddo amaanka tallaalkaas, sida uu sheegay Seth Berkley, oo ka tirsan GAVI.

Madaxa WHO oo Geneva ka hadlayey ayaa sidoo kale soo dhoweeyey soo noqoshada qaaraankii Maraykanka oo uu soo celiyey MW Joe Biden oo lacag ku biirin doona COVAX, taasoo uu sheegay inay hay’adda ka caawinayso ”inay kasoo baxdo ballanteedii.”

Dalalka mashruucan COVAX ka faa’iidaysan doona ayaa waxaa ka mid ah dalka Somalia, iyadoo ay WHO dalalka hodanka ah ku canaanatay inay tallaalkii kaligood xaraysteen oo aanay waxba u reebin dalalka faqriga ah, waloow ay eeddu la taallo madaxda u dhaaratay ee misna dayacday dalalkaasi oo aanay qaarkood xitaa heli karin qaab ay u kaydiyaan tallaalka lagu sadaqaysanayo maadaama aanu jirin kaabe heer qaran ah oo loo dhisay howshan.

Hadalsame Media