DARAASAD: Mahadhada uu muranka & khilaafka waalidku ku reebo ilmohooda (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 22 Jan 2021 – Waa caadi inay waalidku doodaan ama murmaan mararka qaar, yeelkeede, khilaafaadkaasi wuxuu si taban oo aad u xun u saameeyaa carruurta yar yar iyo xitaa kuwa waawayn, gaar ahaan dhanka faya-qabka dhimirka iyo horumarka, sida ku qoran daraasad ay qortay BBC.

Waxaannu isla warbixintan ku eegaynaa talooyin ku saabsan sida ay waalidku ugu baraarugi karaan arrintan ee ay wax uga qaban karaan.

Waxa muhimka ihi ma aha xiriirka ka dhexeeya waalidka iyo carruurta oo qura, balse sida ay waalidku isula dhaqmaan lafteeda ayaa door wayn ka ciyaarta faya-qabka ilmaha iyo horumarkiisa bulsheed min dhimirka, guulaha uu ka gaaro waxbarashada ilaa xiriirka uu isagu yagleeli doono mustaqbalka.

Mararka qaar doodaha gaagaabani xal ayay keenaan, ha yeeshee, marka ay dheeraadaan oo ay caro iyo cunfi isu bedelaan ama ay waalidku kala aamusaan, waxaa dhalanaysa dhibaato wayn oo carruurta ku fooggan.

Daraasad UK iyo dalalka kale laga wadey muddo dhowr 10-sanaale ah oo loogu kuurgalay guryo fara badan, ayaa waxaa kasoo baxday in carruurta yar yari marka ay jiraan xitaa 6-bilood uu saameeyo khilaafka iyo qaylada ku hareereeysan, taasoo kordhisa garaaca wadnohooda iyo dhecaannada haarmoonnada ah ee uu jirku fal-celin ahaanta usoo daayo.

Caano-nuugyada, carruurta iyo kuwa waawayn ama roon ayaa waxaa ku dhici kara arbush gala koritaanka garaadkooda, horumarka maskaxdooda, hurdo xumi, welwel, diiqad, hab-dhaqankiisa oo silloonaada iyo dhibaatooyin kale, haddii uu ilmuhu ku barbaarayo jawi uu ka jiro khilaaf raagey oo u dhexeeya waalidka.

Waxaa sidoo kale saamayn xun la kulmi kara dhallinyarada u ban-baxda khilaafyo aan aad u ba’nayn sida kuwa hore, marka la barbardhigo ilmaha ku koraya jawi uu waalidku uu si togan ama wax dhisaysa oo moowduuci ah (objective) uga wada doodo dhibka taagan ee deeto xalliya dhibaatada jirta iyaga oo aan gidaarro jiirin ama isku dhex furin boqon moowduuc oo qaarkood horay looga soo gudbey.

La soco qayb kale…

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji