Ayaan Maxamed oo tacaddii kala kulantay haweenay ay u shaqaynaysey oo gurmad heshay

0

(Hargaysa) 17 Jan 2021 – Maamulka Bankiga Dhexe ee Somaliland ayaa sheegay in ay shaqaaleeyeen gabar yar oo beri dhowayd baraha bulshada qabsatay iyada oo sida muuqata ay ku tacadinaysey haweenay ay adeegto u ahayd, magaalada Hargaysa.

Ayaan Maxamed Yuusuf, oo ah gabar yar ayaa waxaa muuqaal ka duubaysey haweenayda oo aad u guul guulaysey sidoo kalena ku rakaataynaysay inay muuqaalkeeda faafinayso iyadoo aan sida muuqata ku haysanin eed micne lehna ku celcelinaysey ”na yaa kusoo diray?!!”

“Madaxda sare ee Bankiga Dhexe ee JSL, markii ay arkeen muuqaalka lagu baahiyay barraha bulshadda ee ku saabsan gabadha yar ee gacanta ku xidhan calanka JSL, taas oo ay muuqatay ku xadgudub xuquuqiyaadka aasaasiga ah ee gabadha yar, isla markaana ay arkeen duruufaha ku gadaaman qoyska gabadha yar; Waxaa uu Guddoomiyaha Baanku Go’aamiyay in gabadhaas yar laga shaqaalaysiiyo Baanka Dhexe ee JSL”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bankiga oo uu faafiyey Horcable TV.

Guud ahaan Somalia ayaa waxaa ku dhibban dad fara badan oo aan helin cadaaladda ijtimaaciga ah ee asaasiga ah, iyadoo arrintani ay xallin karto dhibka haystey Ayaan, balse aanay xallinaynin dhibaatooyinka guud ee noocan ah oo u baahan dedaallo kale oo dheeri ah iyo ka go’naan.

Hadalsame Media