DEG DEG: Sucuudiga & Qadar oo caawa xiriirkooda soo ceshanaya (Muhiimadda Sucuudiga?)

0

(Kuwayt) 04 Jan 2021 – Dalalka Sucuudiga iyo Qadar ayaa heshiis gaarey iyadoo lagu wado in isla caawa ay isu furaan hawada, badda iyo dhulka, sida uu sheegay Wasiir Dibadeedka Kuwayt, Sheikh Dr Ahmed Nasser Al-Mohammed Al-Sabah.

“Waxaa lagu heshiiyey inay labada dal isu furaan xadadka cir, bad iyo dhul, taasoo ka bilaabmaysa fiidkan.” ayuu yiri Wasiirku.

Amiirka Kuwayt ayaa sheegay inuu telefoonka kula sheekaystay Amiirka Qadar iyo Dhaxal-xugaha Qadar MBS, si ay u saxiixaan heshiiska Al Cula oo ay isugu furmaan, sida uu yiri.

Sucuudiga ayaa ka mid ahaa 4 dal oo go’doomisey Qadar, kuwaasoo u muuqda inaysan heshiiskan haatan qayb ka ahayn, balse Sucuudiga oo ah dalka qura ee ay Qadar xad dhuleed la leedahay wuxuu sidoo kale muhim u yahay dayuuradohooda maadaama uu ku fadhiyo dhul aad u ballaaran.

War lagu qoray Wakaalad Wareedka Sucuudiga, Amiir Mohammed bin Salman ayaa mar hore oo maanta ahayd sheegay in kulanka Iskaashiga Khaliijka ee GCC uu noqon doono ”mid loo dhan yahay si hiillo iyo midnimo looga muujiyo caqadaha hor yaalla dalalka gobolka”.

Kuwayt ayaa dhinacyada isu jiid jiidaysa sida la fahamsan yahay.

Hadalsame Media