“Berbera waxaan ka dhigaynaa marin caalami ah” – Imaaraadka oo wada qorshe cusub

0

(Dubai) 26 Dis 2020 – Somaliland ayaa noqonaysa marin caalami ah oo ay sahaydu u marto Bariga Afrika, gaar ahaan dalalka bad-xiranka ah.

Sida uu sheegay Madaxa DP World, Suldaan Axmed Bin Sulayem, waxaa qorshahaa wada sharikaddan caalamiga ah ee dekedaha ee saldhigeedu yahay magaalada Dubai.

DP World ayaa haatan gacanta ku haysa Dekedda Berbera oo ay ballaarin iyo casriyayn ku waddo.

Waxaa kale oo socda qorshe durba la bilaabay oo la yiraahdo Berbera Coridor kaasoo ah jid Berbera ku xiraya Itoobiya.

Hadalsame Media