”Fadlan dhaqso nooga guur!” – Dadka reer Mandheera oo ka caroodey hadal kasoo yeerey Cabdirashiid Janan (Daawo)

0

(Mandheera) 22 Dis 2020 – Shacabka Mandheera ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan oo malliishiyaad ku haya halkaasi uu halkaa iskaga baxo, iyagoo baaq u diray Dowladda Kenya oo halkaa ku diyaarinaysa malliishiyada.

Nin ka mid ah dadka degaanka oo la yiraahdo Cabdulmajiid Khaliif Maxamed ayaa beeniyay war horay uu Janan ugu sheegtay inuu qayb ka haysto Degmada Beled Xaawo, isagoo farta ku godey inuu ku sugan yahay beesha Buulo Barwaaqo, geer ahaan beer uu leeyahay nin la yiraahdo Sheekh Yuunis Diina.

Dadkan ku hadlay afka Mandheera oo shir jaraa’id qabtay ayaa Dowladda Kenya u sheegay inay nabad ku ladi la’yihiin dagaallo ay ka cabsanayaan inay halkaa ka dhacaan dartood. ”Muddul gubtey muddul kale kama noxo!” ayuu yiri Cabdul Majiid.

Oday kale ayaa sheegay inuu Janan dul deggan yahay muddo 9 bilood ah oo ay xitaa carruurtoodii la baxsan la’yihiin oo ay ciidan ka dhiganayaan malliishiyaadka halkaa ku sugan, kuwaasoo xitaa ku haya dhibaato dhanka caafimaadka ah maadaama aysan musqulo haysanin.

”Waxaan kala dhex joognaa laba xabaddood. Ninkaas hannaga guuro, dhulkiisii ayuu soo gubey. Waxaan kala fahmi la’nahay halka aan ka tirsan nahay ma Somalia mise Kenya.” ayuu yiri oday furka ku xooray Dowladda Kenya.

”Soomaali ayaan nahay, Soomaalida kalena waa walaaleheen, mana doonayno inaan colaad la galno. Waa ku baryaynaa habeen madoow naga guur.” ayay tiri hooyo aad u qaylisay shuftana ku tilmaantay malliishiyaadka Janan.

Hadalsame Media