Maqalla si fudud ayaa lagu milkiyey balse Muqdisho mashaqo ayaa lagala kulmay, waa maxay SABABTA ugu mudani?

0

(Hadalsame) 13 Dis 2020 – Dagaalka Tigraay iyo dagaalkii Muqdisho iyo xilligii gumaysiga- casharro u baahan fiirsasho Itoobiya oo ay hoggaaminayaan Tigreegu waxa ay december 2006 qabsadeen Muqdisho, caasimadda Soomaaliya.

Itoobiya oo uu hoggaaminayo Abi Axmed waxa ay qabsatay Maqalle caasimadda Tigraay november 2020. Tigraay waxay haysteen, dawlad dhisan, ciidan xooggan iyo horumar soddon sano kobcayey. Soomaaliya ma ay haysan dawlad, ma ay lahayn ciidan nadaamsan, waxana markaa ay ku jirtay burbur soconayey 16 sano.

Soomaalidu waa ay kala qaybsanaayeen oo qaarna waxa ay la safnaayeen Itoobiyaanka, qaarna waa ay la dirirayeen,. Laakiin Tigreegu si midaysan ayey u wajahayeen dagaalka dawladda dhexe. Maqalle waxa laga jaray, telefoonkii, internetkii, laydhkii iyo biyihii. Taas oo ka mid ah dagaalka.

Laakiin Muqdisho, laydh lagama jarin, biyo lagama jarin, telefoon iyo internet lagama jarin, laydhna hadalkiisa iska daa. Jirtoo dagaalka Tigreegu cusubyahay oo laga yaabo in uu wejiyo kale la soo baxo haddii uu dabadheeraado, Haddana kii Soomaaliya “ma ay mahadin Itoobiya”.

Markii goob kasta lagu go’doomiyey ciidamadii Itoobiya ee xiitaa in biyaha iyo sahayda la gaadhsiiyo ay adkaatay, ayaa loo soo gurmaday oo la badbaadiyey. Haa, Soomaaliya waxa ay ku noqotay Itoobiya “goodaadadii sunta ahayd ee gashay afka maska” ee la yidhi “Hadduu liqo waa uu ku dhimanayaa, haddii uu tufana, waa uu ku idho-beelayaa”.

Dersiga meesha ku jiraa waxa weeye; maxay Itoobiya u sandullayn kari wayday Soomaalida ee ay u sandullaysay Tigree (waa haddii xaalku sidan ku sii socdo eh).? Jawaabta qayb ka mid ah, ayuu ku jiraa casharka u baahan fiirsashada.

Jawaabtaasi waxa ay tahay: Waa isla sababtii ay gumaystayaashii hore u sandulleeyeen shucuubta afrikaanka ah ee kale balse ay Soomaalida ugu sandullayn kari waayeen, afafkooda iyo diimahooda. Waa Isla Sababta oromada loogu sandulleeyey afka axmaariga, kiristaannimada iyo Itoobiyaannimada laakiin loogu sandullayn kari waayey Soomaalida galbeed. Waa isla sababtii ay Margareta laurence ku sheegtay buuggeeda “Prophets camel bell” oo ah madaxbannaani dhaqaale.

Haa, madaxbannaani dhaqaale. Berigaas hore qof waliba iskii ayuu isugu fillaa, adhi, geel, lo, beer ama xirfad. Cid kasta oo Siyaasadda Soomaalida lug ku leh ama dan ka leh, waa in uu ka shaqeeyo, madaxbannaanidaas iyo isku fillaanshahaas. Waa in ay qorshaha siyaasiga ku jirto, xiitaa haddii adduunku dumo oo badxidhan dhaco, in qofka Soomaaliga ahi noolaan karo isaga oo gob ah.

Arrin kale oo xiiso leh oo taa Tigreega laa faa’iidaysan karo ayaa jirta. 1- Laydhka iyo biyaha, yaan si boqolkiiba boqol ah loogu xidhnaan nadaam dhexe. Haa, ha jiraan biyo iyo laydh jaban oo loogu adeegi karo shacabka. Laakiin ha la dhiirrigeliyo “beddel kale” oo haddii xaaladdu xumaato uu qofku noolaan karo isaga oo gob ah.

2- Internetka iyo telefoonnada iyo qalabka isgaadhsiinta oo dhan, yaanay noqon qaar meel keli ah laga maamulo. Haa, ha jiro, nadaam fududaynaya adeegga bulshada, laakiin mar walba waa in “beddel kale” la helo, si qofka Soomaaliga ahi u noolaado isaga oo gob ah. Warkaas dhug ha loo yeesho!