Haweenay ayaa abaanduul ka noqonaysa markab dagaal oo nukliyeer ku shaqeeya markii ugu horreeysey taariikhda Ciidanka Badda Maraykanka + Sawirro

0

(Washington, DC) 08 Dis 2020 – Haweenay ayaa markii ugu horreeysey taariikhda Ciidanka Badda Maraykanka waxay hogaamin doontaa markab dagaal oo ah kuwa nukliyeerka ku shaqeeya.

Kabtan Amy Bauernschmidt, oo sidoo kale ah duuliye dayuuradaha qumaatiga u kaca, ayaa taliye ka noqon doonta mid ka mid ah maraakiibta dayuuradahaa xambaara ee nukliyeerka ku shaqeeya oo 11 xabbo ah guud ahaan 2022-ka.

Weli lama carrabaabin markabka ay hogaamin doonto magaciisa, balse go’aankan ayaa iskii taariikhi u noqonaya, waase tillaabo kale oo ay qaadday kabtan Bauernschmidt oo 2016 taariikh samaysay kaddib markii ay taliye xigeen ka noqotay markabka USS Abraham Lincoln, oo sida dad dhan 5,000 oo qof.

Bauernschmidt, oo kasoo jeedda magaalada Milwaukee, Wisconsin ayaa ka qalin jebisey Akamiyaha Ciidanka Badda 1994, waxayna isla sanadkii koowaad ku howlgashay dayuuradaha iyo maraakiibta dagaalka.

Hadalsame Media