Xarunta Maamulka Tigraay ee Maqalla oo gashay gacanta DF ee Itoobiya

0

(Maqalla) 28 Nof 2020 – Mekelle oo gacanta TPLF ka baxday – Ciidanka federaalka itoobiya ayaa qabsaday magaalada Mekelle ee xarunta gobalka tigreega dalk itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka itoobiya taas oo calaamad u ah soo afjarida wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta

Ciidanka ayaa qoraalka lagu sheegay in sameeyeen arimo ay ka mid yihiin xaqiijinta siideynta maxaabiis ka tirsan taliska waqooyig ee ciidanka itoobiya kuwaas oo TPLF u xirnaa.

Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowlada .

Booliska federaalka ayaa qoraalka lagu sheegay in ay iminka shaqadooda qabaan ayaan iyaga oo soo qabanaya danbiila yaasha TPLF si sharciga loo marsiiyo.

TPLF wali arintan kama hadlin balse waxay saakay qireen in ciidanka dowlada ay bilaabeen weerar ka dhan ah Mekelle.

Dagaalka waqooyiga itoobiya ee u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka federaalka ayaa bilowday afartii bishaan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media

Facebook Comments