”Waxaan moodada iskaga tegey kaddib markii ay salaado badani iga tageen” – Xaliimo Aadan + Sawirro

0

(New York) 26 Nof 2020 – Xaliima Aadan oo ka mid ahayd qalanjooyinka xarragada ka shaqeeya ayaa sheegtay inay iskaga hartay arrimahaasi kaddib markii ay qalqiil geliyeen caqiidadeeda Islaamka.

Xaliima oo ka mid ahayd moodalladii ugu horreeyey ee xijaabka xirta iyagoo dhar xayaysiinaya, iyadoo xiratey qaar ka mid ah dharka uu naqshadeeyo Kanye West ee Yeezy, ayaa sheegtay inay jidkii ka luntay oo ay salaado badani ka tageen.

“Aniga unbaa isku eedaya inaan fursado qiimeeyey in ka badan waxa runtii muhim ah,” ayay ku qortay Instagram Stories.

Xaliima ayaa sheegtay in mudadii ay ku jirtey caalamka xarragada ay ogaatey dhibka ka jira in aad bulsho laga tira badan yahay aad ugu sii tira yar tahay, maadaama aysan dhinacan ku badnayn haweenka Muslimka ah ee naqshadeeya dharka moodada.

Xaliimo ayaa soo shaac baxday 2016-kii markii ay ka qayb gashay Miss USA Beauty Pageant, halkaasoo uu ku arkay tifaftiraha xarragada Carine Roitfeld.

Waxay deeto qandaraas la gashay shirkadda xarragada ee IMG iyadoo kasoo muuqatay dhabbaha dhar xayaysiinta ee New York Fashion iyadoo xiran dharka Kanye West ee Yeezy iyo Maxmara.

Xaliimo oo xitaa markii ay dunida xarragada ku jirtey dhaqamo muxaafidnimo muujinaysey ayaa dood abuurtay kaddib markii ay noqotay gabadhii ugu horreeysey ee madax dabool ugasoo muuqata bogga hore ee Sports Illustrated.

Hadalsame Media