RW Pakistan oo si dadban u kashifay dalal Muslim ah oo ku cadaadinaya inuu xiriir la yeesho Israel & jawaabta uu siiyey

0

(Islamabad) 16 Nof 2020 – RW Pakistan ayaa sheegay inuu cadaadis ka wajahayo dalal Muslim ah oo ku riixaya inuu xiriir la samaysto oo aqoonsado Israel, balse wuxuu wacad ku maray in Islamabad aysan marna aqoonsan doonin “Dowlad Sahyuuni ah” ilaa xal laga gaaro arrinta Falastiin.

RW Imran Khan, oo waraysi siiyey TV maxalli ah, ayaase diidey inuu magacaabo dalalkaasi.

“Dalal Muslim ah miyaa mise ma aha kuwa cadaadiska ku saarayaa?” ayaa la waydiiyey.

“Ka soco taas (su’aashaad). Waxaa jira waxyaabo aynaan sheegi karin, waayo xiriir wanaagsan ayaanu dalalkaa la leennahay,” ayuu ku dooday Khan.

“Aannu marka hore cagaheenna ku istaagno dhanka dhaqaalaha, kaddib waad na waydiin kartaa su’aalahaas,” ayuu raaciyey Khan, oo si dadban u sheegaya sida ay mudada dheer ugu tiirsan yihiin Sucuudiga iyo Imaaraadka, sida ay fahamsan tahay saxaafadda dalkaasi.

Wuxuu sheegay inay raacayaan aabbihii dalkaasi, Mohammad Ali Jinnah, kaasoo diidey inuu aqoonsado Israel, isagoo sheegay in sidoo kale uu Maraykanku isku dayey inuu cadaadis arrintaa ku saaro, balse ay diideen.

“Cadaadisku wuxuu ka imanayaa in Israel ay saamayn wayn ku leedahay Maraykanka, taasoo weliba aad usii darsatay xilligii Trump” ayuu yiri RW Khan.

Imaaraadka (UAE) iyo Bahrain oo Khaliijka ka tirsan ayaa dhowaan xiriir la sameeystay nidaamka Tel Aviv, halka ay qaar kalena qorshaynayaan inay sidoo kale yeelaan.

Hadalsame Media