RW Abiy Ahmed oo ka hadlay arrin aan horay loo ogayn oo uu eedeeyey ciidan goboleedka Tigreega

0

(Addis Ababa) 05 Nof 2020 – Baarlamanka DF Itoobiya ayaa taageeray dagaalka uu RW Abiy Ahmed ku doonayo inuu gacanta ku dhigo gobolka fallaagoobey ee Tigraay.

Baarlamanka ayaa ansixiyey xaalad deg deg ah oo 6 bilood soconaysa oo la saaray maamul-goboleedkaas, taasoo ah arrin horay uga soo fushey RW Abiy, sida ay qortay wakaaladda Fana Broadcasting Corporate, oo ay xigatey AFP.

Abiy ayaa sheegay in weerarka ciidanka dhexe ay jawaab u yihiin weerar lagu soo qaaday oo ay fuliyeen ciidanka TPLF oo weeraray xero ciidan oo ay leeyihiin millateriga federaalka oo ay askar badani ku “shahiideen” sida uu hadalka u dhigay Abiy Ahmed oo aan arrintan horay uga hadlin.

“Wax weerar ah oo aan annagu qaadnay ma jiro,” ayuu yiri Wondimu Asamnew oo ah sarkaal ruug cadaa ah oo ka tirsan TPLF oo u warramay AFP.

Midowga Afrika, QM, iyo Maraykanka ayaa ku wada baaqay in la is xakameeyo.

Hadalsame Media