Booliiska Sweden oo lagu eedeeyey inay dhallinyaro Soomaali ah inta qaadeen ku xooreen bannaanka magaalooyin ay deggan yihiin (Dhegeyso)

0

(Stockholm) 02 Nof 2020 – Barnaamijka Kaliber ee Idaacadda Sweden ayaa qoraal ka sameeyey Booliis lagu eedeeyey inay ku tacadiyeen dad dhallinyaro ah oo ay Soomaaliyi ku jirto oo loo adeegsadey xeer booliis oo la yiraahdo Qodobka 13-aad, waxaa arrintan maqaal dood ah ka sameeyey siyaasiga Maxamed Nuur oo ah Guddoomiya Xisbiga S ee Xaafadda Tensta ee magaalada Stockholm, waxaana bilowgii Maxamed waydiiyey waxa ku dhigan Qodobka 13-aad iyo waxa uu Booliiska xaq u siinayo?

Kiisaska booliiska lagu qabsaday waxaa ka mid ah gabar xilli habeennimo ah laga qabtay Borås oo deeto lagu ag tuuray meel fardaha lagu dhaqo oo ka baxsan magaalada, sidoo kale wiilal dhallinyaro ah oo iyaga oo ku jira dukaan kabaha lagu iibiyo loogu yeeray booliiska Örebro oo deeto gawaari lagu qaaday oo lagu tuuray magaalada bannaankeeda.

Dhanka kale, Hans-Gunnar Axberger oo ka tirsan Guddiga Cadaaladda ayaa isna sheegay in booliiska aan looga baahnayn in uu xeerkan adeegsado haddii tusaale ahaan aanu qofku dhib u gaysanaynin nidaamka iyo kala dambaynta oo uu ballan qaado inuu meesha iskaga tegayo ay tahay inuu Booliisku fursad siiyo oo aanu khasab isagu ku wadin tas-hiilaadkana uu meel kale ku bixiyo.

Hadalsame Media