”Madaxa ayaa looga jiraa!” – MW Turkiga oo madfac la helay Macron & Faransiiska oo u yeertey Danjirhiisa Ankara

0

(Ankara) 24 Okt 2020 – MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dhiggiisa Faransiiska ee  Emmanuel Macron uu u baahan yahay “dawayn dhanka dhimirka ah” maadaama uu cadaawad aan caadi ahayn u muujinayo Islaamka.

“Muxuu yahay dhibka Macron kala dhexeeya Islaamka iyo Muslimiinta? Wuxuu u baahan yahay cilaaj dhanka dhimirka ah,” ayuu yiri Erdoğan oo ka hadlayey kalfadhiga Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta ee AP Pary oo lagu qabtay gobolka dhexe ee Kayseri.

“Maxaa laga dhihi karaa madax qaran oo sidaa ula dhaqmaya dadka tirada yar ee dalkiisa. Ugu horreeyn wuxuu u baahan hubin dhanka dhimirka ah,” ayuu raaciyey Erdoğan.

Dowladda Faransiiska ayaa todobaadyadii dhowayd wax u eg bogrom-kii Yuhuudda ku beegsanaysey Muslimiinta, iyadoo xirtey ururro aan dowli ahayn iyo masaajid ay Muslimiintu leeyihiin, iyadoo uu bil kahor MW dalkaasi sheegay inay ”Muslimiintu xasarad ku jiraan”, waxayna taasi keentay inay dadka caadiga ihi xitaa weeraraan Muslimiinta, waxaana la toorriyeeyey 2 haweenay oo Muslim ah.

Sarkaal u hadlay Madaxtooyada Faransiiska oo la hadlay Agence France-Presse (AFP) ayaa sheegauy in Paris ay u yeeranayso Danjireheeda Ankara si ay ula tashato isla markaana uu la kulmi doonto Macron laftiisa.

“Faallada MW Erdoğan lama aqbali karo, ku talax tag iyo gardarro mana aha hab raaceenna. Erdoğan waa inuu bedelaa siyaasaddiisa maxaa yeelay dhanka kasta wow halis,” ayuu yiri sarkaalku.

Hadalsame Media