Sawirro lagu soo daayey baraha bulshada & su’aalo kulul oo ka dhashay (Akhri su’aalo ku socda nidaamkii Siyaad, jabhadihii & shacabka?)

0

(Muqdisho) 22 Okt 2020 – Arrimahani daraasadayn badan ayay u baahan yihiin sawirkan baraha bulshada sida qorshaysan loogu yaaciyey kaligii waxba sheegi maayo oo aad bay arrini uga qoto dheer tahay.

Tusaale, maxaa keena in ay reer miyigu magaalooyinka u dagaagaan maxaase laga baray dowladnimada? In waxa yar ee umadda ka dhexeeysa ay in yari ku dhiigaysato maxa uga dhigan tahay isku duubnida iyo tafaraaruqa bulshada, xasilloonida iyo horumarkeeda (Social Mobility)?

Waajib noocee ah ayaa nidaamyada ka saaran abuurista kalsooni umadeed, gaar ahaan mid gashay dagaal sokeeye? Sawirrada noocan ihise doorkee ka qaadan karaan taas?

Maxaa keena inuu nidaam dhaco, la jeclaado ama la noco? Wixii dhacay burburka kaddib xiriir noocee ah ayay la leeyihiin burburka kahor? Somalia maka jirey nidaam dal mise waxaa ka jirey nidaam qof?

Dadka mala baray xiriirka ka dhexeeya iyaga, dalka iyo dowladnimada oo ah wax ku cusub, mise waxaa loo jara baray qaab u dhisan ninkii dhacsadoow dhiigayso oo dhashay siyaasad geela laga dhaqan la’yahay?

KU JABHADAHA & SHACABKA – Haddii aanu jirin qorshe siyaasadeed muxuu tarayaa dagaal lagu qaado Dowladda? Waxaa dagaalka galay siyaasiyiin kursi doon ahaa oo qabyaalad adeegsanaya, sidee dal aad qabyaalad ku burburinayso aad isbeddel san uga dhalin kartaa?

Soow taasi ma aha in aad umadda kud ka rarteen oo qanje u rarteen idinkoo ka warqaba? Maxaa shacabka ku khasbaya inay nabad kula noolaanshaha nin reer kale ah ay ka jeclaadaan raranka mid reerkooda ah?

Arag waxa maanta reer kasta nacas dusha ka saaran, soow Siyaad Barre kun jeer kama liitaan?

Maxaa kaasoo gelaya inuu mid laguu sheegay inuu ina adeerkaa yahay noqdo Wasiirka Bariiska balse aad adigu baahi u baqtiso.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media