Sergio Ramos & Cristiano Ronaldo oo aan muddo 2 sanadood ah salaan iska qaadin

0

(Madrid) 07 Okt 2020 – Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaan muddo 2 sanadood ah marna la hadlin saaxiibkii Cristiano Ronaldo, sida uu qorayo Marca.

Jookarka reer Portuguese ayaa caasimadda Spain kasoo tegey 2018-kii si uu ugu biiro kooxda Juventus balse mudadaa isma arag islamana hadlin isaga iyo Ramos.

Warkan ayaa soo baxay jeer ay labadoodu in yar kaddib foolka isku diirayaan iyagoo dheelaya ciyaar saaxiibtinnimo oo ay yeelanayaan labada dal ee Portugal iyo Spain, oo ay kabtanno u lala yihiin.

Ronaldo ayaa la sheegayaa inuusan caadiyan wax xiriir ah oo dhow la lahaan jirin laacibiinta Los Blancos, marka laga reebo daafaca dadabka midig ee Marcelo.

Waxaana haatan muuqata in Ramos uu kuwaa ka mid yahay.

Hadalsame Media