QM oo Somalia ku eedaysay inay dib uga guranayso cahdi ay horay u gashay (Waa maxay?)

0

(New York) 04 Okt 2020 – Baare ka tirsan QM ayaa sheegay inay ka walaacsan tahay inay Somalia dib uga gurato ku dhaqanka Xeerka Xuquuqul Insaanka Caalamiga ah, sida ka muuqata warbixin loo gudbiyey Golaha Xuquuqda Insaanka QM oo ku saabsan Somalia.

Isha Dyfan oo bishii Maarso loo magacaabay inay noqoto khabiir madax bannaan oo ka shaqeeya Somalia, balse aan halkaa tegi karin cudurka COVID-19 dartii, ayaa waxay sheegaysaa in xogaha ay ururisay ay muujinayaan in maamulladu ay dib uga guranayaan ilaalinta xuquuqaha dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka.

Waxay kaloo sheegtay in khilaafyada hubaysan iyo xasaradda aadminnimo ee Somalia ay uga sii dareen cudurka karoonaha iyo duullaankii ayaxu.

“Waxaa jira weerarro lagu qaaday shaqaale caafimaad iyo gargaarayaal, awood dheeraad ah oo ay booliisku u adeegsadeen dadka oo keentay geerida dad rayid ah, ku tumasho dhanka xuquuqaha xorriyadda hadalka, tacaddiyo jinsiga la xiriira iyo dad guryo xoog looga saaray intii lagu jirey muddada Covid-19,” ayay tiri Isha.

Dyfan ayaa sidoo kale tilmaantay inay aad uga walaacsan tahay cuqdada qotada dheer ee mudada soo jirtey, takoorka iyo cunfiga ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Hadalsame Media