Qaxootigii ugu horreeyey ee uu Jarmanku kasoo qaaday Giriigga oo dalkaa gaarey + Sawirro

0

(Berlin) 01 Okt 2020 – Qaxootigii ugu horeeyay ee Jarmalka uu ka soo qaatay Dalka Gariiga gaar ahaan dadkii ku noolaa xerada qaxootiga ee Moria ayaa soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hannover.

Duulimaadkii ugu horeeyay ee a uu Jarmalka soo qaatay ayaa gaareyay 179 qof waxaana ku jira 51 Da’yar aan qaan gaarin.
Jarmal ayaa qorsheynaya in uu dad hor leh ka soo qaatan Gariiga gaar ahaan kuwii ku noolaa xeradii gubatay ee Moria.

Dalalka kale ee Yurub ayaa iyagane qorsheynaya in maalmaha soo socda ay iyaguna soo qaatan qaxooti cusub.

Waxaa Diyaariyey: Cabdiqani Dalmar

Hadalsame Media