DAAWO: Azerbaijan iyo Armenia oo soo bandhigay muuqaallada jabka ay isu gaysteen & MW Ruushka oo la hadlay dhiggiisa Armenia

0

(Hadalsame) 27 Sebt 2020 – Dalalka Azerbaijan iyo Armenia oo gorodda isku geliyey gobolka ay abidkood isku hayn jireen ee Nagorno-Karabakh, ayaa soo bandhigay muuqaallo ay ku sheeganayaan guulo ay kala gaareen iyo jab ay is gaarsiiyeen.

Ciidamada Azerbaijan ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamada Jamhuuriyadda is magacowday ee Nagorno-Karabakh Republic oo ah gobol fallaago ah oo sheegtay inuu Azerbaijan ka go’ay 30 sanadood kahor.

Weerarkan ayaa looga dabaaqayey duqayn ay ciidamada Armenia ku laayeen ciidamo iyo rayid Azeri ah, waloow ay Armenia ku doodday inay Azerbaijan tahay cidda jebisey tibxaha xabbad joojinta.

Yeelkeede, muuqaal kasoo baxay dhanka Azerbaijan ayaa muujinaya inay cirka ka duqeeyeen gaadiid dagaal oo ay taangiyo ku jiraan oo ay leeyihiin ciidamada Armenia, wax u eg muuqaal lagu qaaday daroonka.

Armenia ayaa iyaduna dhankeeda waxay baahisey muuqaal muujinaya weerar lagu qaaday wax u eg kolonyo gurmad ahayd oo la kediyey.

Dhanka kale, MW Ruushanka ee Vladimir Putin oo khadka telefoonka kula sheekaystay dhiggiisa Armenia, Nikol Pashinyan, ayaa ugu baaqay inay xabadda joojiyaan.

Ruushka ayaa ah ologga istaraatijiga ah ee Yaravan.

Halkan hoose isna ka daawo muuqaalka ay baahisey Wasaaradda Gaashaandhigga Armenia.

Hadalsame Media